Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare oo meel mariyay jadwalka maalmaha shaqo ee Golaha Aqalka sare

Date:

Senator Maxamed Cusmaan oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Aqalka sare  ayaa kullanka ka dib warbaahinta u faah faahiyay waxyaabaha ka soo baxay kullanka Guddiga joogta ee Golaha Aqalka sare ay maanta isugu yimaadeen.

“Mida ah jadwalka lagu shaqeynayo Golahu ku shaqeynayo waxaa Go’aan lagu gaaray in maalinta sabtida ay noqoto maalin ay Guddiga joogtada ah ay shiraan,maalinta Axada iyo isniintana ay noqoto kalafadhiga guud,talaado iyo arbacana kalafadhiyada marka kalafadhi Guud aanu jirin macnaheedu ma ahin inaanu aqalka shaqeyneynin,waxaa jira Guddiyo kale oo hoosa oo shaqeeya in maalmahaasi Guddiyada ay isugu yimaadaan ay kala warqaataan,maalinta Khamiistana kalafadhiga Guud inuu jiro,” ayuu yiri Senator Maxamed Cusmaan.

Sidoo kale,Senator Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in dib loo dhigay kullan ay Guddiga joogtada ah kula balansanaayeen Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil,kaasi oo looga hadli lahaa halka uu marayo hanaanka dib u eegista dastuurka,isagoona carabka ku dhuftay in taasi ay ka wada tashan doonaan Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...