Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo uu Maanta ku tagey xarunta Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib uu dhiska Soomaaliya,isagoo u kuurgalay howlaha shaqo ee halkaasi ka socda.

Mudane Xasan Cali Khayre waxaa xarunta Wasaaradda Howlaha guud ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaraddaasi Eng Saadiq C/llaahi Cabdi,Wasiiru Dowlaha Wasaradda,Wasiir ku Xigenka Wasaradda,Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaradda Howlaha Guud.

Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee wasaaradda Howlaha guud  oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo maamulka , is xog waraysi kadib waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha Wasaradda inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagar la’aan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...