Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo baaritaano caafimaad iyo daaweyn lacag la’aan ah u sameysay caruur iyo haween danyar ah.

Date:

Wasaarada caafimaadka Dowlad goboleedka Galmudug oo gacan ka heleysa Hay’ad lagu magacaabo Childbirth Survival international (C.S.I) , ayaa markii u horeysay ka howl biloowday deegaanada Galmudug, waxaana  baaritaano caafimaad iyo daaweyn lacag la’aan ah usameysay caruur iyo haween danyar ah,  kana mid ah qoysaska barakacayaashaa, kuwaasi oo qabay xanuuno, islamarkaana ay u awoodi waayeen sababa dhaqaale awgood in ay tagaan xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.

Muxyadiin Cismaan Gabayre oo ka mida masuuliyiinta hay’adda ayaana ugu horeyn warbaahinta Qaranka soomaaliyeed uga warbixiyay sababaha keenay in xilligaan ay daweyn iyo baaritaano caafimaad u sameeyaan dadka danyarta ah.

Wasiirka wasaarada Caafimaadka Dowlad Gobaleedka Galmudug Marwo Naciimo Maxamed Catoosh, ayaa uga mahad celisay Hay’adda C.S.I daaweynta iyo baaritaanada caafimaad ee ay u sameeyeen hooyada iyo dhalaanka soomaaliyeed,  iyadoona sheegtay in ka wasaarad ahaan ay soo dhaweeyn doonaan cid kasta oo wax u qabaneysa  danyarta ku nool guud ahaan deegaanada Galmudug.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...