Golaha Ammaanka oo cambareeyay weerarkii Argagixisada Al-Shabaab ku qaadeen Buula-mareer.

Date:

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii argagaxisanimo ee 1-da bishan April ay Maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM,wuxuuna weerarka ka dhacay Gobolka Shabeellaha hoose.

“Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa xaqiijiyay in argagixisada dhammaan hab dhaqankooda iyo muuqaalkooda ay ka dhigayaan mid ka mid ah hanjabaadaha ugu halista badan nabadda iyo Xasiloonida caalamka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Golaha Amaanka arbacadii shalay.

Golahu wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la horkeeno cadaalada danbiilayaasha,qaban-qaabiyeyaasha, maal-galiyeyaasha iyo kafaalad-qaadayaasha kuwa ficilada argagixisanimada ku kacaya.

Weerar ay Kooxda Al-Shabaab Aroornimadii Axada ee todobaadkaan ay ku qaadeen deegaanada Buula-mareer,Golweyn iyo Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa iska caabin xooggan ay kala kulmeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Xoogga dalka ,iyadoo looga dilay Alshabaab 66 maleeshiyo oo ay kujiraan Horjoogayaal ,halka gaadiid Qaraxyo ay ka soo buuxiyeen looga bur buriyay,iyagoo aan soo gaarin bartilmaameedkoodii.

Golaha Amaanka ee Qarada Midoobay ayaa balan qaaday inuu sii kordhin doono taageerada uu siinayo Ciidamada Xoogga dalka iyo AMISOM si meesha looga saaro weerarada Maleeshiyada Al-Shabaab loona soo celiyo nabada iyo xasiloonida dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyey qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah,...

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...