wasiirka beeraha iyo waraabka xfs oo daahfuray mashruuca hormarinta Beeraha

Date:

Mashruucan ayaa waxuu ka kooban yahay dayactirka kanaalo dhirerkooda uu gaarayo ilaa iyo 8 km, dhul beerad dhan 400 hektar iyo qalab beerad lagu taageerayo beeralayda Soomaaliyeed,  taasi oo lagu horumarinayo beerlayda yar yar.

Wasiirka Beeraha iyo waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxa ururka iskaashiga Islaamka ee OIC, ayaa ka shaqeynayo mashruucan lagu horumarinayo beerlayda Soomaaliyeed, waxaana mashuurcan ku taageeray dowladda Soomaaliya Mu’sasadda Boqar salaam Bin Cabdulsiis.

Ka dib kulan waqti kooban ay ku qaateen xafiiska Wasiirka Masuulinta ururuka iskaashiga islaamka  iyo Madaxda Wasaaradda Beeraha, ayaa shir jaar’id warbaahinta ugu qabtay Xarunta Wasaaradda.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid, ayaa sheegay in mashruucan ay ka faa’iideysanayaan beerlayada  yar yar,  islamarkaana tilmaayay in uu ahmiyad weyn uu ku fadhiyo.

Tani waxay qeexaysaa  dadaalada lagu horumarinayo Beeraleyda ee  ay wado Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda, iyaddoo muddo ka yar seddex bil ay heshiisyo dhaxal gal u ah horumarinta  wax soo saarka dalka la gashay hay’addo caalami ah iyo dalal dhowr ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliye Sare ee rrimaha difaaca

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Isgaarsiinta oo xilalka u kala wareejiyey Agaasimihii hore iyo Agaasimaha cusub

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Xildhibaan Maxamed Aadan...

Ra’iisul Wasaare Xamse: “waxaa guuleystay qofkii dila ama ay dilaan khawaarijta”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Sudan u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...