R/W ku-xigeenka Dalka oo Shaqalaha Dowladda kala qayb-qaatay Ololaha Nadaafadda+Sawirro

Date:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Mohamed Guulleed (Khadar), ayaa maanta shaqaalaha xafiiska kala qeyb–qaatay ololaha nadaafadda ee dhammaan shaqaalaha iyo madaxda dawladdu ay fuliyaan khamiista ugu dambeysa Bil-walba, taas oo loola jeedo in laga shaqeeyo bilicda iyo qurxinta dalka gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo gudaha Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya saakadii hore shaqaalaha xafiiska la billaabay aruurinta iyo xaaqista qashinka ayaa sheegay in nadaafaddu ay muhiim u tahay bilicda iyo faya-dhowrka bulshada, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in lagu dadaalo ilaalinta nadaafadda.

“ Maanta waa xilligii aynu u astaynay nadaafadda dalka, gaar ahaan Caasimadda in laga sameeyo olole nadaafadeed, waxaana muhiim ah in madax iyo shacabka ay ka wada qeyb qaataan qurxinta deegaanka.” Ayuu yiri Mudane Mahdi Mohamed Guulleed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed ayaa dhammaan shaqaalaha dawladda iyo shacabka ku dhaqanka Caasimadda dalka u soo jeediyay in ay maalin-walba ay ka shaqeeyaan ilaalnta nadaafadeed ee dalka, si loo helo deegaan caafimaad qabo.

Xarumaha dawladda ayaa sidaan oo kale looga sameeyaa ololaha nadaafadda, waxaan ka qayb qaata madaxda wasaaradaha sida Wasiiradda, Agaasimayaash iyo dhammaan shaqaalaha dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Muqtaar Rooboow Cali...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu...