R/W ku-xigeenka Dalka oo Shaqalaha Dowladda kala qayb-qaatay Ololaha Nadaafadda+Sawirro

Date:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Mohamed Guulleed (Khadar), ayaa maanta shaqaalaha xafiiska kala qeyb–qaatay ololaha nadaafadda ee dhammaan shaqaalaha iyo madaxda dawladdu ay fuliyaan khamiista ugu dambeysa Bil-walba, taas oo loola jeedo in laga shaqeeyo bilicda iyo qurxinta dalka gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo gudaha Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya saakadii hore shaqaalaha xafiiska la billaabay aruurinta iyo xaaqista qashinka ayaa sheegay in nadaafaddu ay muhiim u tahay bilicda iyo faya-dhowrka bulshada, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in lagu dadaalo ilaalinta nadaafadda.

“ Maanta waa xilligii aynu u astaynay nadaafadda dalka, gaar ahaan Caasimadda in laga sameeyo olole nadaafadeed, waxaana muhiim ah in madax iyo shacabka ay ka wada qeyb qaataan qurxinta deegaanka.” Ayuu yiri Mudane Mahdi Mohamed Guulleed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed ayaa dhammaan shaqaalaha dawladda iyo shacabka ku dhaqanka Caasimadda dalka u soo jeediyay in ay maalin-walba ay ka shaqeeyaan ilaalnta nadaafadeed ee dalka, si loo helo deegaan caafimaad qabo.

Xarumaha dawladda ayaa sidaan oo kale looga sameeyaa ololaha nadaafadda, waxaan ka qayb qaata madaxda wasaaradaha sida Wasiiradda, Agaasimayaash iyo dhammaan shaqaalaha dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...