Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada-hadlay arrinta xuduudda labada Dal

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa kula kulmay Magaalada Nairobi shalay dhiggiisa dalka Kenya H.E. Amb. Monica Juma. Kulanka ayaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo dhowr arrimood oo xaaladda gobolka iyo dunida si gaar ah xaaladihii ugu dambeeyay ee dhismaha derbiga laga dhisayo inta u dhexeysa Beled Xaawo iyo Mandheera iyo dadaallada joogtada ah ee loogu jiro sidii gebi ahaan loo joojin lahaa dhisiddiisa.

Labada Wasiir ayaa kulankooda uga wada dooday isfahamka dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ee joojinta dhisidda derbiga iyo unkidda guddi wasiiro oo wadaag ah, kuwaasi oo kulamadooda ugu horreeya uu ka dhici doono Mandheera.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Caalamiga ee Kenya H.E. Amb. Monica Juma  ayaa sidoo kale kawada hadlay  heshiisyadii hore ee labada dal ay  kala saxiixdeen oo la xiriiray ammaanka, ganacsiga, iskaashiga arrimaha bankiga iyo sidoo kale tababaridda howlwadeennada caafimaadka, kalkaaliyeyaasha iyo shaqaallaha rayidka ee Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...