Turkiga oo lagu qabtay Bandhig ku saabsan Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliya+sawirro

Date:

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa  lagu qabtay Bandhig  Dhaqameedka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo ay halkaasi ku soo Bandhigayeen  Ururka ardayda wax ka barata magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Bandhig dhaqameedkan ayaa laqabtaa sanadkiiba mar oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarata magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga oo kaashanaya Xafiiska Deeqaha waxbarashada ee dalkan Turkiga iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga.

Mudadii uu socday bandhig Dhaqameedkaasi ayaa ardayda Soomaaliyeed waxaa ay soo bandhigeen barnaamijyo ka tarjumaya xiriirka walaltinimo ee Soomaaliya iyo Turkiga udhexeeya,boorar ay ku xardhanyihiin sawiro taariikhi ah ,ciyaaraha dhaqanka,hal ku dhigyo iyo  farshaxano Kal  duwan,.

Bandhig Dhaqameedkan waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay Safaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga  iyo xafiiska deeqaha waxbarashada ee Turkiga ,Ardayda waxkabarata Magaalada Ankara iyo bulsha weynta ku nool Anakra.

Waxaa kamid ahaa mas’uuliyiintii ka qeybgashey hadaladana ka jeedisay uqaabilsanaha Tacliinta iyo Dhaqanka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Cabdul Casiis Sheekh Cabdiraxmaan, Gudoomiyaha ururuka ardayda ee magaalada Ankara Bishaar Cabdi Maxamed iyo kuxigeenka madaxa xafiiska dheeqaha waxbarashada ee dalka turkiga mudane Xusen Gungo,waxaana dhamaan mas’uuliyiintani ay bogaadiyeen dowrka ay ardayda Soomaaliyeed ee kunool Dalkaasi Turkigu ay ka qaadanayaan xoojinta xiriirka wallaaltinimo ee Turkiga.

Dalka Turkiga ayaa kamid ah wadamada bixiya deeqaha waxbarasho oo ay helaan ardayda Soomaaliyeed,waxaana soo raaca wadamada Suudaan,Masar iyo dalal kale oo carbeed.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...