Mooshinkii  laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka oo Sabtiga loo fariisan doono (Akhriso)

Date:

Wargelin ka soo baxdey Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee  golaha shacabka ayaa lagu shaaciyey Mooshinkii laga soo gudbiyey Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) laga doodi doono maalinta sabtiga soo socda oo ay Tr. Ku beegan tahay 31-ma Maarso saacadda 9am, xarunta Golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ajendaha kulanka waxa uu noqonayaa  mooshinka laga keenay Guddoomiyaha gola shacabka Barlamaanka F.S. Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari)

Dhammaan xubnaha golaha shacabka ee aan ku sugneyn magaalada Muqdisho waxaa laga codsanayaa in ay ugu dambeyn ku soo galaan magaalada Muqdisho maalinta khamiista ah ee ay ku beegan tahay 29-ka Maarso, si ay u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah.

Wargelintaan waxaa ku saxiixnaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Mudane Cabdiweli Sh Ibraahim Muudeey.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin...

Hay’adda NISA oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

Liiska horjoogeyaasha Khawaarijta ee lagu dilay howlgalladii ay fuliyeen...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qayb galay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirkii 11-aad Ee OACPS Ee Equatorial Guinea

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...