Mooshinkii  laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka oo Sabtiga loo fariisan doono (Akhriso)

Date:

Wargelin ka soo baxdey Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee  golaha shacabka ayaa lagu shaaciyey Mooshinkii laga soo gudbiyey Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) laga doodi doono maalinta sabtiga soo socda oo ay Tr. Ku beegan tahay 31-ma Maarso saacadda 9am, xarunta Golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ajendaha kulanka waxa uu noqonayaa  mooshinka laga keenay Guddoomiyaha gola shacabka Barlamaanka F.S. Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari)

Dhammaan xubnaha golaha shacabka ee aan ku sugneyn magaalada Muqdisho waxaa laga codsanayaa in ay ugu dambeyn ku soo galaan magaalada Muqdisho maalinta khamiista ah ee ay ku beegan tahay 29-ka Maarso, si ay u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah.

Wargelintaan waxaa ku saxiixnaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Mudane Cabdiweli Sh Ibraahim Muudeey.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...