Wasiirka Caddaaladda oo furay shir ku saabsan Caddaaladda dalka ( Sawirro)

Date:

Wasiirka Cadaalada X. F. Soomaaliga ayaa maanta Muqdisho ka furay shir looga hadlayo dib u eegista barnaamijka Cadaaladda Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay wasaarada Cadaaladda X. F. Soomaaliya  ayaa loo qabtay xubno ka socday qeybaha Cadaaladda sida Maxkamadaha, Xeer ilaalinta, qareennada iyo asluubta, iyadoo furitaankiisa ay ka qeybgaleen, wasiirrada Cadaaladda ee maamul-goboleedyada, gudoomiyaha maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir,   taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo wasiirka Cadaalada ee X. F. Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ka hadlay munaasabaddii furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in ujeeddada shirkan ay tahay sidii loo heli lahaa qorshe howeedka Sadexda sano ee soo socota, isagoo tilmaamo ka bixiyay ahmiyadda shirkani u leeyahay horumarinta caddaaladda dalka..

Wasiirka Cadaaladda ee dowlad-goboleedka Puntland Saalax Xabiib oo ku hadlay magaca maamul-goboleedyada ayaa sheegay in maamul-goboleedyada ay baahi weyn u qabaan helitaanka goobiha Caddaalada isagoo ammaanay dadaallada wasaaradda Cadaalada ee X. F. Soomaaliya ay ku bixineyso hagaajinta garsoorka dalka..

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda X. F. S oomaaliya Avv. Xasan Xaaji oo shirkaasi furay ayaa faah faahin ka bixiyay qorshayaasha wasaaradda ee ku wajahan horumarinta cadaaladda, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkani ay ka soo bixi doonaan natiijooyin loo aayo.

Shirkan oo socondoona muddo labo maalmood ah ayaa daba socda shir hore loogu qabtay Muqdisho oo looga hadlay hurumarinta hannaanka garsoorka dalka iyadoo go’aannadii ka soo baxay lagu sii falanqeyn doono shirkan maanta ka furmay Muqdisho.

  

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...