Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Suudaan oo baroordiiq u sameysay Ra’sul Wasaarahii hore Barkhad Gurad Xamaadu oo geeriyooday(Sawirro)

Date:

Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee ku leedahay Dalkane Suudaan ayaa muddo 3maalin ah oo baroordiiq ah u sameysay Ra”sul Wasaarahii ugu waqti dheeraa ee soo mara Jamhuuriyadda Jabuuti Allaha u Naxariistee Barkhad Gurad Xamaadu oo dhawaan ku geeryooday Dalka Faransiiska.

Waxaan Safaaradda Jabuuti ee Suudaan soo booqanyay Safiirada Caalamka u fadhiya Suudaan si aay ugu tacsiyadeeyan geerida ku timid Marxuum Barkhad Gurad Xamaadu.

Sido kale waxey tasci u direen Safiiradaasi Dhamaan reer Jabuuti Xukuumad iyo Shacaba inuu ilaahey samir ka siiyo Marxuumka.

Dhanka kale Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Dalka Suudaan Danjire Axmed Cali Barre ayaa tacsi u diray eheladii iyo Qarabadii uu ka baxay Marxuum Barkhad Gurad Xamaadu asigoone Alle ugu baryay inuu Janada Firdowsa ka waraabiyo.

Sido kale Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan ahna Qunsulka Safaaradda Axmed Ibraahim Buurfuule ayaa asigana tacsi u diray Qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabkii reer Jabuuti ee uu ka baxay marxuum Barkhad Gurad Xamaadu.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulanka kooxda farsamada ee xargaha Badda hoosteeda mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray bandhigyada ay Hobollada Waabari u diyaarinayaan maalmaha Xorriyadda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax...

Guddoonka Labada Aqal ee BFS oo kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Ciidanka Booliiska oo wada Hawlgallo Lagu Ciribtirayo Anshax-xumada iyo Falalka Lidka ku ah Dhaqanka

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa...