Xaliima yareey oo ka hadashay nooca doorashada ka dhacaysa Dalka 2020-ka

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegya inay aad ugu kalsoonyihiin ka Guddi ahaan shaqada ay qabteen, iyadoo tilmaantay in wixii hadda ka horreeyay aysan jirin wax dhaqaajiyo ama sameeyo daba gal, balse haatan ay dhisan yihiin Tiirarkii loo baahnaa maaddaama howshan ay iyaga u taallo.

Xaliimo yareey oo u warramaysay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa intaa ku dartay in dhaqaalo dhan ka badan $129 Million oo doollar ah ay ku bixi doonto qabashada doorashada la qorsheynayo inay ka dhacdo Soomaaliya Sannadka 2020.

Doorashada ayay sheegtay inay noqon doonto Hal Qof iyo Hal Cod, waxayna intaa raacisay in nidaamka doorashada nooca uu yahay lagu qeexi doonaa shirka 28-ka Maarso la filayo inuu ka dhaco Magaalada baydhabo, iyadoo go’aankeedana ay leeyihiin madaxda Qaranka.

Guddoomiye Xaliimo ayaa sheegtay inay ka qayb qaadan doonto cid kasta oo Soomaali ah o biuuxisa sharuudaha loo baahan yahay, xaqna u leh inuu wax doorto, waxayna intaa raacisay inay haatan ku gudo jiraan diyaarinta qaabka ay noqonaysao doorashada, taasoo ay la wadaagi doonaan Madaxda Dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...