Gudoomiye Yariisoow oo kulan la qaatay Safiirka Dowlada Masar

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Masar u fadhiya Soomaaliya Danjire Mowliid Ismaaciil iyo madax ka socotay Bangiyada dalkaas oo Soomaaliya u soo gaaray sidii ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen.

Duqa Muqdisho iyo wafdi ka socday dalka Masar ayaa kulankooda diiradda ku saaray goobaha Caasimadda ee u baahan in maalgashi lagu sameeyo, si dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro shaqo.

Guddoomiyuhu waxuu uga mahad celiyay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada dal, iyo sida ay diyaar ugu yihiin xoojinta xiriirkaas. Isagoo xusay muhiimadda ay dalka u leedahay in maalgashi lagu sameeyo, gaar ahaan magaalada Caasimadda ah ee soo kabanaysa.

“Dawladda Masar waxay gacan ka geysan doontaa Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Caasimadda, waxaan isla soo qaadnay meelaha u baahan maalgashiga, si fursadaha ka dhasha maalgashigaas ay shaqooyin ugu abuuraan dhalinyarada Soomaaliyeed”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Danjiraha dalka Masar Soomaaliya u fadhiya Mowliid Ismaaciil ayaa kulanka ka sheegay in dalkiisu uu gacan ka geysan doono dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, maadaama ay labada dal leeyihiin xiriir soo jireen ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

8 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada hoose

Ciidanka gaarka ah ee kumaandooska Danab ee CXDS ayaa...

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo...