Diyaaraddani oo ay saarnaayeen 71-qof oo isagu jiray rakaab iyo shaqaale ayaa burburtay markii ay cago dhiganaysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kathmandu ee dalka Nepaal.
Samatabixiyeyaasha ayaa meedad gubtay kasoo saaraya burburka diyaaraddani oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee US-Bangla, wax-yar uun kadib markii la demiyay dabkii ka kacay diyaaradda.
Dhammaan duulimaadyada soo galayay iyo kuwaka baxayay garoonka Caalamiga ah ee Tribhuvan ayaa la joojioyay, sida ay baahisay warbaahinta muxaliga Nepaal, Diyaaradda ayaa lagu sheegay in nooceedu yahay S2-AGU, balse si rasmi looma shaacin.
Diyaaradda ayaa cago dhigatay 14:20 xiliga Kathmandu sida laga ogaaday bogga Raadeer-ka website-ka ee duulimaadka diyaaradda 24-kii saac ย ee ugu dambeeysay.