Gobolka Benaadir iyo W. waxbarashada oo ku heshiiyey horumarinta waxbarashada caasimadda

Date:

Kulankani oo muhiimdiisu aheyd sidii loo xoojin lahaayay hormarinta waxbarashada Gobolka Benaadir  iyo in dib loo soo nooleeyo xarumahii waxbarashada ee Dowlada si markale ay bulshada Soomaaliyed u hesho waxbarasho lacag la’aan ah islamarkaana ay uga faa’ideystaan dadka danta yare e aan awoodin iney iska bixiyaan qarashka waxbarashada  si  loo dhiso aqoon tooda iyo mustaq balkooda waxaa sidoo kale looga hadlay kor u qaadista tayada Dugsiyada lagu barto Qur’aanka Kariimka,

Wasiirka wasaarada Waxbarashada ee Xukuumada Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho  ayaa sidoo kale kawada hadalay in la balaariyo waxbarashada Dugsiga Hoose dhaxe iyo Sare ee 15-may  oo xiligaan ay si lacag la’aan ah ay wax ugu bartaan arday Soomaaliyed

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Eng: Yarisow) oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa tilmaamay in waxbarshadu ay tahay mustaqbalka aas aaska bulshada,

Wasiirka wasaarada Waxbarashada ee Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan wax uu sharxay qodobada ay kawada hadleyn maamulka Gobolka Benaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...