Gudoomiyaha Gobalka Benaadir oo kormeeray Degmada Hilwaa

Date:

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen: Bashiir Cabdi Maxamed, Sariil ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad Gobolka Benaadir ahna ku xigeenka xagga amniga iyo siyaasada Gobolka Benaadir ayaa xalay kormeer ku tagay qaar kamid ah Isgoosyada Magaalada Muqdisho.

Goobaha ay kormeerka ku tageen Mas’uuliyiintan waxaa ka mid ah Isgoosyada Black Sea,Baar-ubax ,Cali Kamiin ,Ex kontarool Balcad, Saldhigga Degmada Hiliwaa,Suuqa Xoolaha iyo sidoo kale deegaanka Darmoonley oo ah kontaroolka laga soo galo Magaalada Muqdisho ee dhanka Degmada Balcad.

Ujeedka kormeerka oo ahaa u kuurgalidda arrimaha Amniga iyo sidoo kale wada shaqeynta ka dhaxeysa laamaha amniga iyo bulshada ayaa masuuliyiinta iyo saraakiisha waxey socod dheer ah ku mareen qaar kamid isgoosyada wadada Sodonka iyagoo ganacsatada iyo shacabka ku booriyay in ay kaalin ka qaatan hormarinta Bilicda Caasimada iyo Xasiloonideeda.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen: Bashiir Cabdi Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kormeerkan uu qeyb ka yahay dhiirigalina ciidamada amniga iyo xoojinta Nabad-galyada Magaalada.

“Mudane Guddoomiye waxaa sharaf inoo ah in aad caawa nagu wehliso kormeerkaan hadda meesha aan taaganahay waa deegaanka darmooley waa meesha xamar looga baxo dhanka Balcad, mudane Goddoomiye waxay noo tahay dhiiri galin iyo yadidiilo kormeeradaan joogtada ah aad nagala qayb qaadanayso,taasi oo Ciidanka mooraalkooda kor u qaadeysa”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen: Bashiir Cabdi Maxamed

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay soo martay marxalado kala duwan oo adag haatanna ay ku jirto xilli wanaagsan oo u baahan in la sii xoojiyo horimarkeeda iyo xasiloonideeda.

“dhamaan goobihii aan soo marnay ha noqato suuqa Bakaaraha, Cali kamiin Jamhuuriya,suuqa xoolaha  iyo dhamaan isgoyska Warshadda Baastada, waxaan ku soo aragnay Ciidan heegan ah oo diyaar u ah in Amniga ay sugaan ,waxaa kale oo aan soo aragnay shacab diyaar u ah in Ciidamada ay la shaqeeyaan, arimahaasoo oo dhan waa arimo yididiilo iyo dhiira-galin nasiinaya.”ayuu yiri Guddoomiye Yariisoow.

Dhanka kale Guddoomiye Yariisoow ayaa ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir si loogu guulaysto xaqiijinta Amniga Caasimmadda,taasi oo dan u ah muwaadin kasta oo Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....