Madaxweyne Gaas oo kulan la qaatey agaasimaha HSJ

Date:

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa qada sharaf u sameeyay Agaaasimaha Guud HSJ Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Koofi iyo wafddi uu hoggaaminayay oo maalmahan howlo shaqo u joogay magaalada Garowe.

Mas’uuliyiintani  ka wada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa ilaalinta xaduudka Soomaaliya ay la wadaagto Dalalka dariska gaar ahaan qeybta kaga beegan deegaanada Puntland.

Sidoo kale agaasimaha ayaa madaxweynaha ka dalbaday in loo fududeeyo shaqooyinka ay sarakiisha Hay’addu ka hayaan deegaanada Puntland oo la xariira arrimaha Socdaalka , Basaboorka iyo diiwaan galinta ajaanibta ku sugan Deegaanada Maamul Goboleedka Puntland.

Ugu dambeyb madaxweynaha Puntland Mudane C/wali Gaas ayaa balan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan howlaha muhiimka ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ka heyso deegaanada Puntland, waxaana uu tilmaamay in Hay’addan ay ka mid tahay Hay’addaha afarta ah ee sida tooska ah u hoos taga Federaalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...