Maraykanka oo cunaqabatayn saaray Laba hoggaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday inay xukuumadda Washinton cuna-qabatayn kusoo rogtay Axmed Iimaan Cali iyo Cabdifataax Abuubakar Cabdi, kuwaasoo ay ku sheegtay inay halis weyn ku yihiin amniga Muwaadiniinta Maraykanka, amniga Qaranka Maraykanka, siyaadadda arrimaha dibedda iyo dhaqaalaha Maraykanka.

Dawladda Maraykanka ayaa liiska aragixisada ku dartay laba xubnood oo kale oo ka tirsan taliyayaasha maleeshiyada urrurka Al-Shabab.

Labadan xubnood ayaa Maraykanku waxay u aqoonsadeen argagixiso caalami ah, waxaana la sheegay in Axmed Iimaan Cali uu madax kasoo ahaa garabka Kenya ee Ururka Al-Shabab tan iyo Sannadkii 2012-kii isla markaana uu agaasimay hawl-gallado badan oo laga fuliyay gudaha Kenya, isagoo dejiyay qorshayaal ay ka mid yihiin weerarkii lagu qaaday Ciidamada Kenya ee degaanka Ceel-Cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo Soomaaliya.

Sidoo  kala Dowladda Maraykanku waxay sheegtay in Sannadkii 2015 Kenya ay liiska argagixisada ku dartay Cabdifataax Abuubakar Cabdi,  iyadoo la tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabab taliyayaashiisa dhinaca Kenya, waxa kale oo loo aanaynayaa inuu ku lug lahaa weerraradii ay Dadka badan ku dhinteen ee 2014-ka ee lagu qaaday degaanka Mpeketoni ee Dalka Kenya, halkaasoo ay ku dhinteen Dad ku dhow 60 Qof.

Isha/ VOA

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Fiqi oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...

Gudoomiyaha hay’adda SoDMA oo Baydhabo gaaray

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka...

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay danjiraha UK

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Wasiir Fiqi oo qurbajoogta kala shiray doorkooda la dagaalanka argagixisada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...