Xarunta Dawladda Hoose oo lagu qabtay Munaasabad lagu soo gaba-gabeynayay maalinta Haweenka (SAWIRRO).

Date:

8-da Bisha Maarso ee sanad walba Haweenka ku nool aduunyadu waxay soo bandhigaan guullaha ay gaareen iyo caqabadaha la oran karo way hor taagan yihiin.

Munaasabad ballaaran oo soo qaban qaabiyey maamulka Gobolka Benaadir oo ka qeyb galeen masuuliyiin iyo qeybaha bulshada ayaa caawa lagu qabtay xarunta Dawladda Hoose, halkaas oo lagu soo bandhigay waxqabadka iyo aragtida haweenka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yarisow oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay maalintan iyo sida ay uga go’an tahay maamulkiisu inuu gacan siiyo dumarka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay qaar kamid ah masuuliyiinta iyo qeybaha bulshada oo dhammaantood boggaadiyey kaalinta fir-fircoon ee Haweenku ku dhex leeyihiin nolosha aadamaha.

Haweenka Soomaalida oo dhinacooda iyaguna ka xusaya maalinta 8-da Maarso ayaa waxaa iyaga u dheer duruufo adag oo noloshooda soo wajahaya sida dagaallo iyo shaqo la’aan.

Haweenka Soomaalidu waxay waqtiyadii hore iyo xilliganba lafdhabar u yihiin qoysaska Soomaaliyeed. Tiro badan oo haween ah ayaa qoysaskooda u soo saara nolol maalmeedka iyadoo ay taasina u sii dheer tahay daryeelka Ubadka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari...

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...