Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Nairobi kula kulmay dhiggiisa Dowladda Kenya (SAWIRRO).

Date:

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac oo ku sugan Magaaladda Nairobi, ayaa la kulmay Taliyaha Ciidanka Asluubta dalka Kenya Isaya Osug, waxayna kawada hadleyn arrimo dhowr ah oo labada dhinac quseeya.

Qodobadii ugu muhiimsanaa Labada Taliye ay kawada hadleen waxaa kamid ah siddii ay u sameyn lahaayeen iskaashi isuna dhaafsan lahaayeen khibradaha iyo aqoonta maamulka Xabsiyada, dhaqancelinta iyo tababarada guud ahaan.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa ka qeyb galay xaflad ballaaran oo lagu qabtay Akadheemiyada Ciidanka Asluubta Dowladda Kenya oo ku taalla Counting Kiambu.

Xafladda waxa ka soo qeybgalay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru KENYATTA, waxaana tababar loogu soo xiray in ka badan 3000 (saddex kun) oo askari, Ciidamadaan cusub ayaana kusoo biiray Ciidanka Asluubta Kenya, waxayna  isugu jireen Dumar iyo Rag.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...