Raa’sulwasaaraha Dalka oo hambalyo u direy maallinta haweenka soomaaliyeed

Date:

Ra’isul wasaaraha Jamhuuriyadda  federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hambalyo  u diray haweenka Soomaaliyeed oo u dabaal degaya maalinta haweenka dunida.

Mudane Xasan Cali Kheira ra’isul wasaaraha jahuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay haweenka Soomaaliyeed in  ay yihiin kuwa ku guuleystay arrimaha qoyska iyo u adeegidda nabadda iyo horumarka.

“Maalintan Caalamiga ah ee haweenka, dumarka Soomaaliyeed waa ay mudan-yihiin in lala dabaal dego maadaama ay u dhabar adeegeyn u adeegidda dalka, waa kuwa iyaga ku guuleystay maareynta qoyska  iyo u adeegidda nabadda iyo horumarka ” ayuu yiri ra’isul wasaaraha jamhuuriyadda  federaalka ah ee Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre.

Madax kala duwan ayaa  hambalyo u diray haweenka Soomaaliyeed oo uu kamid yahay ra’isul wasaaraha jamhuuriyadda  federaalka ah ee Soomaaliya, wakiilada beesha caalamka u joogo Soomaaliya iyo  madax kale.

8- March sanad kasto ayaa dunida looga dabaal degaa maalinta haweenka  dunida iyadoo Soomaaliya ay ka dhacayaan munaasabado  lagu weyneynayo maalintan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...