Mr: Keating oo booqday wasaaradda Maaliyadda.

Date:

Wasiirka maaliyadda ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha QM  u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr: Keating, waxa ayna  ka  wada hadleen howlaha horumarinta maaliyadda oo  ay wasaaraddu ku guuleysatay.

“Maanta waxaa xafiiska igu soo booqday Wakiilka QM ee Soomaaliya   Mr: Keating waxaan ka wada hadalney arrimaha horumarka Maaliyadda.

Waxaan sidoo kale Hambalyo u dirney Haweenka Somaaliyed ee 8 Maarso oo ku beegan maalinta haweenka adduunka” ayuu yiri Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa  dhawaanahaan ku guuleystay sidii loo maareyn lahaa howlaha maaliyadeed ee dalka iyadoo Ra’isul wasaaraha dowladda federaalka  ah ee Soomaaliya uu dalka Mareykanka  uga qeyb gelayo shir looga hadlayo arrimaha horumarinta maaliyadda iyadoo sidoo kale ay xukuumadu dadaal ugu  jirto sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...