Shirka waxqabadka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu qabtey Garoowe

Date:

Madaxweyne ku-xigeynka Dowlad Goboleedka Puntland C/xakiin Cumar Cameey iyo Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare Maxamed Adan Koofi ayaa maanta magalada Garoowe si wada jir ah uga furay Shirka Sedax billaha ah ee Hay’adda Socdaalka oo markii ugu horeysay Garowe lagu qabtay.

Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka ayaa sheegay in uu bilowday shirar saddax bilaha ah oo ay Hay’adda ku qabaneyso xarumaha ay ku leedahay laamaha dowlad goboleedyada, isagoo intaa raaciyay in magalaada Garoowe ay nasiib u heshay in shirkii ugu horeyay lagu qabto.

Madaxweyne ku xigeynka  Dowlad Goboleedka Puntland C/xakiin Cumar Cameey ayaa sheegay in howl wanagsan ay ka socoto Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadd, shirka maanta Garoowe ka furmayna u yahay mid la iskula xisaabtamayo wax yaabihii qabsoomay sedaxdii bilood ee la soo dhaafay iyo caqabada lala kulmay, isagoo intaasi ku daray in arintaasi ay tahay muuqaalka lagu yaqaanno nidaamka dowladnimada.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen agaasimayaasha laamaha Hay’adda ee dowlad goboleedyada dalka ayaa socon doona muddo labo cisho ah, iyadoo looga hadli doono waxyaabihii u qabsoomay hay’adda iyo caqabadaha lala kulmay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad,...