Al-shabaab oo dilay Dameero u rarnaa ganacsatada Waajid.

Date:

Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab ayaa dhabbaha u galay Gaari dammeero siday raashiin ay lahaayeen Ganacsatada degmada Waajid ee Gobolka Bakool,iyagoona gubay ku dhawaad 10-gaari dammeer iyo raashiikii u rarnaa Ganacsatada degmadaasi.

C/qaadir Nuur Goome oo ah Guddoomiyaha Ciyaaraha degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab deegaan duleedka ka ah degmada Waajid ay ku dileen ku dhawaad 10-dammeer ah,islamarkaana ay gubeen raashiinkii saarnaa oo u rarnaa Ganacsatada degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dammeerada Raashiinka siday ayaa ka soo ambabaxay deegaanka Ceelboon waxayna ku sii jeedeen degmada Waajid.

“ deegaano banaanka ka ah degmada Waajid ayaa kuwii Shabaabka ahaa wadada u galeen Kareetooyin Raashin sida (Gaari Dameero) degmada u soo socday,dameeradii wey dileen raashiinkiina wey gubeen”,ayuu yiri Guddoomiye Goome.

Guddoomiyaha Ciyaaraha degmada Waajid C/qaadir Nuur Goome ayaa sheegay in ragii waday dameerada ay ka soo baxsadeen Kooxda Al-Shabaab,islamarkaana degmada ay yimaadeen,isagoona dhanka kale tilmaamay iney tageen deegaanka ay Shabaabka ku gubeen raashiinka durbana maleeshiyaadka goobta isaga baxsadee..

Wuxuu sheegay in hanti badan oo lagu qiyaasay 50-dollar goobta ay kaga baaba’day Ganacsatada degmada Waajid ee Gobolka Bakool,waxaana hadda wada hadalo u socda Ganacsatada Raashiinka laga gubay iyo maamulka degmada Waajid,sida uu Guddoomiye Goome sheegay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Maamulka Gobolka Banaadir oo kulan wacyigelin ah ku qabtay degmooyinka bartamaha Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed...