Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wafdi ka socda FAO

Date:

Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Madaxa FAO ee Soomaaliya Daniele Donati.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa FAO  Daniele Donati ayaa waxa ay kawada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen, Kalluumeysiga, daaweynta Xoolaha iyo Xanaaneyntooda, beeraha, dhirta iyo daaqa iyo sidii wax looga qaban lahaa xaalufka deegaanka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa uga mahadceliyey madaxa FAO ee Soomaaliya Daniele Donati sida wanaagsan FAO ula shaqeyso Puntland, isagoona uu intaasi ku daray in FAO ay tusaale wanaagsan  u noqon doonto hay’adaha kale ee ka hawl-gala Puntland.

Sidoo kale, Madaxa FAO ee Soomaaliya Daniele Donati ayaa Puntland uga mahad celiyey sida wanaagsan ee lee soo dhaweeyey islamar ahaantana waxa uu sheegay Daniele Donati in Puntland iyo FAO ay ka dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ayaa Daniele Donati iyo weftiga la socdey si qoto dheer ugaga xog Waramey xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland, isagoo sheegay in loo baahan yahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyadoo welibana Madaxweynuha Puntland tilmaamey in ay muhiim tahay in beesha caalamku ay qayb libaax leh ka qaataan kana qayb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu ku saameeyeen Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo qaabilay wafdi ka socda hawlgalka AUSSOM

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, mudane Cali Daahir...

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,...

Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dhawaan gacanta ku dhigay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Daah-furay Dhisme Cusub oo Safaaradda Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka...