guddoomiye Yariisoow oo xaflad u sameyey gudiga doorashooyinka

Date:

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xarunta dawladda hoose ee Xamar ugu sameeyey Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka xaflad lagu soo afmeerayey kulammadii wadatashiga ee uu ka waday dalka oo dhan.

Waxaa jirta rajo wanaagsan oo muujinaysa in dadka Soomaaliyeed talada dib loogu celiyo si ay go’aan uga gaaraan cidda matalaysa, maamulka G/Benaadir na qorshihiisu waa in taladu ay dib ugu noqoto shacabka” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow).

Kulammadaas ayaa intii eey socdeen waxaa diiradda lagu saaray qorshaha Istaraatiijiga ah ee salka u noqon doona howlaha uu wado guddigu, iyagoo bixiyey tallooyin ku aadan waddooyinka ugu habboon ee lagu hirgelin karo doorashooyin qof iyo codkiisa sanadka 2020.

Guddiga doorashooyinka ayaa socdaal ku soo maray dhammaan maamul gobaleedyada dalka magaalooyinka ugu waa weyn, waxa eeyna dadka badi kala hadlayeen sidii eey uga qeyb qaadan lahaayeen doorashooyinka shacbiga ah ee la filayo in eey ka dhacaan Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

Wasaaradda Tamarta DFS, oo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergayga gaarka ah ee la dagaalanka Fikradda Xagjirka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum C/raxmaan Yacquub

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...