Doorashooyinka Baarlamanka Jabuuti oo Maanta Furmaya.

Date:

Waxaa Saaka oo Jimca ah Dalka Jabuuti looga dareeray goobaha cod-bixinta Baarlamaanka oo ay ku tartamayaan xisbiyada kala duwan ee Dalkaasi.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Baarlamaaniga ah ee Dalka Jabuuti Diini Maxamed Burhaan, ayaa laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da u sheegay ayaa sheegay inay si hufan u kormeeri doonaan goobaha ay cod-bixintu ka socdaan.

Mr; ayaa meesha ka saaray inuu jiro tuhun ah in doorashada lagu Gacan bidxaynayo mucaaradka, wuxuuna sheegay inay taasi tahay kalsooni darro, isagoo intaa raaciyay in mucaarad iyo muxaafadba ay halkaasi u joogi doonaan wakiillo.

Baarlamanka Dalka Jabuuti oo ka kooban 65 Kursi ayaa 55 ka mid ahi waxaa ku fadhiya xisbiga talada Dalka haya ee UNB, halka 10 ka kalena ay haystaan xisbiyada mucaaradka.

Lixdii aroornimo ee Saakay ayay cod-bixintan si isku mid ah ugu billaabatay dhammaan Gobollada Dalkaas, iyadoo ay Kuraasta ugu badan oo ah 35 ay taallo Magaalada Caasimadda ah ee Jabuuti.

Doorashada Baarlamanka Dalka Jabuuti ayaa haddii uu ku guuleysto xisbiga talada haya ee UNB waxay fududeyn kartaa in markii Shanaad xilka Madaxtinimo loo doorto Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Dalkaasi soo xukumayay tan iyo Sanaddii 1999-kii.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...

Duqa Muqdisho oo Salaadda Ciidda kula tukaday Dadweynaha Degaanka Gubadley

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweyne JFS oo Salaadda Ciidda Carrafo la oogay Kumannaan Shacab ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed...