Ardey cusub oo ku soo biirtay Jaamacadda ummadda

Date:

Munaasabadaan waxaa ka qeybgalay Maamulka sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Madaxda Kuliyadaha,Arday iyo marti Sharaf kale waxayna iskugu jirtay soo bandhigidda Midowga ardayda Kuliyada Caafimadka ee Jaamacadda & soo dhawaynta Dufcadii 4-aad Ardayda Kuliyada Caafimaadka.

Munaasabadda qaybteeda hore waxaa lagu shaaciyay dhismaha Midowga Ardayda ee Kuliyadda Caafimaadka,iyadoo Gudoomiye looga dhigay Axmed Showqi.

Hormuudka Kuliyada Caafimaadka Jamacadda Ummadda Pro: Shaafici Aadan Dirir ayaa sheegay in wax badan badali karaan Midowgan hadaay sida saxda ah u howlgalaan.  

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Waxbarashada Jaamacadda Ummadda Aadan Guuled Shabeel oo munaasabadda soo xiray ayaa u mahadceliyay Ardayda howshaan soo qabtay, isgaoo dhinaca kale balan qaaday in ay maamul ahaan ay garab taaganyihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...