Jaaliyada soomaaliyeed ee Uk oo soo dhaweyey dhalinyaradda tahriibayaasha ee dalka dib loogu soo celiyey

Date:

jaaliyadda Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Ingiriiska ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay dadaalka Dowladda Soomaaliya ay ku soo deynayso muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ku jira xabsiyada qaar kamid ah wadamada Caalamka.

Dr C/llaahi Maxamed Aadanย  (Salaamullaah) oo ah guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Britain oo u waramayay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in Qurba joogta Soomaaliyeed ay dareen ka qabeen dhibaatooyinka haysta maxaabiista Soomaaliyeed oo ku dhibaataysan xabsiyada Caalamka.

wuxuuna sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Ingiriiska ay siweyn u soo dhaweynayaan dadaalada Madaxweynaha iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo guud ahaan madaxda dowladdu ay ugu jiraan sidii xoriyadooda dib ay ugu heli lahaayeen maxaabiista.

โ€œMarka hore waan uga mahadcelinaynaa Wakaaladda SONNAย  fursaddan ay ina siisay,midda kale,waxaan maqlaynaa in dhalinyaro badan ay ugu jiraan xabsiyada caalamka sida tahriib iyo siyaabo kale, dhibna la kulmay in muddo ah,arrintaasi xanuun ayay nagu haysay,sida liibiya,India iyo Itoobiya,qurba joogta way soo dhaweynaysaa talaabada Dowladda Soomaaliya ay ku soo badbaadinayso maxaabiista Soomaaliyeedโ€.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Muwaadiniin Soomaaliyeed ka soo bad baadisay kooxaha Magafayaasha ee Dalka Liibiya,iyadoo ay socdaan dadaalo lagu soo deynayo kuwo kale oo kujira xabsiyada Dalkaasi.

Horey Dowladda waxaa ay u soo deysay maxaabiis farabadan oo kujirtay xabsiyo kuyaala wadamada Itoobiya,India iyo Seychelles,kuwaasi oo soo gaaray Dalkooda Hooyo,qaarka kale oo weli xabsiyada kuxiran ayaa waxaa dowladdu ay qorsheynaysaa sidii Dadaal kadib loogu soo celin lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...