Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Heshiis Iskaashi wada shaqeyn ah la saxiixatay  dhigeeda Dalka Suudaan

Date:

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur oo mudo afar cisho ah howlo shaqo u joogty Magaaladda Khartuum ee Xaruunta Dalka Suudaan ayaa Heshiis iskaashi Caalamiha ah oo dhaxmara Labada Wasaaradood ee Suudaan iyo Soomaaliya Quseeyana Dhanka Caafimaadka kula saxiixatay dhigeeda Dalka Suudaan  Baxri Abul Qardah

iyadoo  uu jiray Heshiisyo horay ay u wada galeen Labada Wasaaradood hadana Heshiiska la galay waxa uu daba joogay kii hore inkastoo  qodobo qaar lagu kordhiyay halka kuwo kalana laga dhimay sida ay hadalka u dhigtay Wasiiraka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur oo la hadleysay Warbaahinta Qaranka.

Heshiiska ay wada galeen labada Wasaaradood ee Caafimaadka Soomaaliya iyo Suudaan  ayaa inta baadan waxa uu xoogga saarayaa sidii tababaro dhanka Xeel dheerayaasha Caafimaadka la isu dhaafsan lahaa ,Shuruucda Caafimaadka,Dawooyinka ,iyo Adeegyada Caafimaadka la bixiyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Gabagabadii Heshiiska ayaa Wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur waxay u mahadcelisay dhigeeda Dalka Suudaan  Baxri Abul Qardah iyadoo sidoo kale u Mahadcelisay  Dowladda iyo Shacabka Suudaan sida ay u jecelyihiin marwaliba garab istaaga Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...