Nabaddoon Ahmed Diiriye Cali oo Muqdisho ku geeriyooday

Date:

Waxaa Saqdii dhexe ee xalay ku geeriyooday Isbitaalka Ordogaan EX Digfeer ee magaalada Muqdisho Allaha u naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa nabadoonnada ugu Caansan Soomaaliya.

Marxuum Axmed Diiriye ayaa ahaa Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka, waxaana lagu xusuustaa qeybtii uu ku lahaa Baraarujinta bulshada iyo inuu ku wacyi galin jiray sidii ay isku kaashan lahaayeen, dibna ugu dhisan lahaayeen dowladnimadooda

Nabadoonka oo muddooyinkii u dambeeyay xanuunsanaa ayaa lagu dabiibayay Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan oo uu ku geeriyooday.

Allaha u naxariistee Marxuum Axmed Diiriye  waxaa uu ifka kaga tagay 52 Caruur uu dhalay iyo waxay sii dhaleen,Waxaana lagu Aasi doonaa Maalinta Arbacada ee ku beegan 21/2/2018 Magaalada Cadaado ee gobolka galgaduud sida ay xaqiijiyeen Eheladiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku khaarijiyay Horjooge Khawaarij ah

Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaanbax looga soo horjeedo faragelinta Israa’iil ku sameysay dalkeena...