Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaadatay dhiggeeda Dowladda Suudaan

Date:

Wasiirka Caafimaadka ee XFS Drs Fowsiya Abiikar Nuur oo booqasho ku joogta Dalka Suudaan ayaa kulamo kala duwan la qaadatay howl wadeenada Wasaaradda Caafimaadka ee Dowaladda Suudaan, iyadoo soo eegtay habka ay u shaqeyso Wasaaradaasi, waxayna sido kale booqatay Xarumaha daawooyinka lagu sameeyo iyo Shirkado daawooyinka soo saara, kuwaasi oo gaar loo leeyahay.

Dhanka kale wafdiga ay horkaceysa Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur ayaa booqasho kal duwan ku tagay Isbitaalada Royal Care, iyo Al-mucalim oo ay ku jiraan qaar kamid ah bukaanadii ku soo waxyeeloobay Qaraxii 14-kii October ee sanadkii tagay ka dhacay isgoyska Zoobe, Wasiirka Caafimaadka oo la hadleysay Warbaahinta Qaranka ayaa u Mahadcelisay dhammaan dhaqaatiirtii la tacaalayay bukaanada kala duwan iyo sidoo kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan oo iyagana xil gaar ah iska saaray sidii ay u garab istaagi lahaayeen Walaalahood.

Wafdigan oo ay horkaceysa Wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar Nuur oo martiqaad rasmi ah ka heshay dhigeeda Dalka Suudaan Baxrri Abul Qardah ayaa kulan laba geesood ah islamarkaana la isaga kaashanayo qaabkii wada shaqayn rasmi ah u dhexmari lahaa labada Wasaaradood la yeeshay madaxda Wasaaradda Caafimaad ee Dowladda Suudaan, waxayna sidoo kale kulankaasi ugu wada hadleen sidii heshiisyo horay u wada galeen labada Wasaaradood loo dhaqangalin lahaa.

Waa markii ugu horeesay oo ay soo gaarto Dalka Suudaan Drs Fowsiya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka Dowladda federaalka Soomaaliya tan iyo markii loo magacaabay xilkan iyadoo lagu wado gabagabada booqashadeeda in ay heshiis wax wada qabsi ah wada saxiixdaan labada Wasaaradood ee kala masalaya labada Dowladood, waa Soomaaliya iyo Suudaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...