Xukuumadda Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Soomaaliland.

Date:

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Hanbalyo u dirtay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Somaliland kuwaas oo ku guuleystay Doorashadii ka dhacday Deegaanadda kala duwan ee Maamulka Somaliland.

Reysul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ‘Khadar” oo Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in wax badan oo hormar ah ku tilaabsadeen Soomaaliland.

“Waxaan halkan Hanbalyo uga dirayaa Soomaaliland iyo Madaxda Cusub oo ay doorteen waxaa ay muujiyeen dadka Soomaaliland dareen aad u wanaagsan kaas ayaana ah kan hormarkasta lagu gaari karo, Madaxda Xisbiyadda ayaa iyana dhankooda muujiyey dulqaad aad u wanaagsan”.

Dhanka kale Ra’isul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mahdi Guuleed waxaa uu sheegay in looga baahan yahay Hogaanka Cusub ee Somaliland inay dar-dar galiyaan Wadahadaladii u dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.

“Waxaan hubaa in Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi aqoon badan u leeyahay Soomaaliya dhexdeeda waxaana rejeynayaa in sidda ugu dhaqsiyaha badan dib ugu bilowdaan wadahadaladii u dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland kuwaas ayaana wax badan lagu xalin doonaa”

Doorashada ka dhacday Deegaaanadda kala duwan ee Somaliland ayaa waxaa ku guuleystay Xisbiga Kulmiye kaas oo uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu taladda Maamulka Soomaaliland heyn doona Shanta Sano ee soo socoto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...