Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay dib-u-eegista Dastuurka

Date:

Muqdisho(SONNA)–Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaasi oo diiradda lagu saaray sidii dib-u-eegis loogu sameeyn lahaa Dastuurka qabyo-qoraalka ah.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyay kulanka islamarkaana sheegay in taladooda ay tahay mid muhiimad wayn leh.

“Odayaasha dhaqanka waxa ay door muhiim ah ka soo qaateen Geedi-socodyadii lagu soo dhisay dawladnimada Soomaaliya kadib burburkii dalka, kaalinta odayaasha ay ku leeyihiin dib-u-eegista Dastuurka waa mid aad u ballaaran oo aan dooneyno in aad naga la shaqeeysaan” ayuu yiri Wasiir Ku-Xigeenka.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan, Proff Maxamed Daahir Afrax, iyo Gudoomiyaha Guddigga Baarlamaanka, Senator Cabdi Qaybdiid, ayaa si wadajir ah u tilmaameen muuhimadda odoyaasha dhaqanku u leeyihiin ololaha dib-u-eegista Dastuurka, waxa ayna odayaasha ka codsadeen in ay ku gacansiiyaan hawsha ay wadaan hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka Dastuurka.

Ugu dambayn, odayaasha dhaqanka ee kulanka ka soo qaybgalay ayaa talooyin soo jeediyay, sidoo kale waxa ay bogaadiyeen wadashaqaynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Guddiyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...