SNTV oo xarun ku yeelatay Columbus Ohio ee dalka Maraykanka.

Date:

Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawed , oo howlo shaqo u jooga Dalka Maraykanka ayaa booqasho ku tagay xarunta cusub ee uu Taleefishinka Qaranka Soomaaliyeed ka furtay Magaalada Columbus Gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.

Wasiirka ayaa ugu horreyn kulan la qaatay shaqaalaha xarunta Taleefishinka Qaranka ee Columbus, wuxuuna bogaadiyay shaqada ay halkaasi ka wadaan iyo dhabar adayga ay muujiyeen muddadii dheerayd ee ay howshani ku guda jireen iyo dedaallada dheeriga ah ee ay muujiyeen.

Mudane; Cawed oo noqonaya Wasiirkii ugu horreeyay ee ka hadla TV-ga Qaranka ee Columbus ayaa sheegay inay sharaf weyn u tahay inuu la kulmo furitaanka xaruntan cusub, wuxuuna ku cel celiyay inay ammaan iyo xusuusba mudan yihiin shaqsiyaadkii sida mutadawacnimada ah isugu howlay hirgelinta mashruucan.

Qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka ayaa iyana si weyn usoo dhoweeyay furitaanka xarunta cusub ee TV-ga Qaranka Soomaaliyeed, waxanay si gaar ah ugu mahad celiyeen dhallinyaradii dedaalka dheer ku bixisay hirgelinta xaruntan.

TV-ga qaranka Soomaaliyeed ee Gobolka Ohio ayaa xarun la’aan iyo duruufo adag kusoo shaqaynayay muddo Toddoba sana ah, balse waa markii ugu horreeysay ee uu halkaasi ku yeesho xarun ballaaran oo daboosha baahiyaha warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ee Gobolkaasi oo dhan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...