SNTV oo xarun ku yeelatay Columbus Ohio ee dalka Maraykanka.

Date:

Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawed , oo howlo shaqo u jooga Dalka Maraykanka ayaa booqasho ku tagay xarunta cusub ee uu Taleefishinka Qaranka Soomaaliyeed ka furtay Magaalada Columbus Gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.

Wasiirka ayaa ugu horreyn kulan la qaatay shaqaalaha xarunta Taleefishinka Qaranka ee Columbus, wuxuuna bogaadiyay shaqada ay halkaasi ka wadaan iyo dhabar adayga ay muujiyeen muddadii dheerayd ee ay howshani ku guda jireen iyo dedaallada dheeriga ah ee ay muujiyeen.

Mudane; Cawed oo noqonaya Wasiirkii ugu horreeyay ee ka hadla TV-ga Qaranka ee Columbus ayaa sheegay inay sharaf weyn u tahay inuu la kulmo furitaanka xaruntan cusub, wuxuuna ku cel celiyay inay ammaan iyo xusuusba mudan yihiin shaqsiyaadkii sida mutadawacnimada ah isugu howlay hirgelinta mashruucan.

Qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka ayaa iyana si weyn usoo dhoweeyay furitaanka xarunta cusub ee TV-ga Qaranka Soomaaliyeed, waxanay si gaar ah ugu mahad celiyeen dhallinyaradii dedaalka dheer ku bixisay hirgelinta xaruntan.

TV-ga qaranka Soomaaliyeed ee Gobolka Ohio ayaa xarun la’aan iyo duruufo adag kusoo shaqaynayay muddo Toddoba sana ah, balse waa markii ugu horreeysay ee uu halkaasi ku yeesho xarun ballaaran oo daboosha baahiyaha warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ee Gobolkaasi oo dhan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Muqtaar Rooboow Cali...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu...

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo lagu soo xiray muqdisho

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS,...