Ciidanka Xoogga dalka oo degmadda Galdogob kasoo qabtay Nin Gaalkacyo ku dilay Qof Rayid ah.

Date:

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka Guulwade oo dhowaan Taliyaha CXD uu ka aas-aasay Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, ayaa maanta gacanta ku dhigay Gacan ku dhiigle Abshir Cabdulle C/raxmaan oo 12 February 2018 Gaalkacyo ku dilay Qof rayid ah oo lagu Magacaabi jiray Hanad Jaamac Faarax.

Ciidanka oo howlgal lagu baadi goobayo Abshir Cabdulle muddooyinkii u dambeeyey waday, ayaa gacan ku dhiiglahaan kasoo qabtay Degmadda Galdogob oo dhinaca galbeed ka xigta Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo in muddo ah uu ku dhuumanayey.

Taliyaha Ururka Guul wade Korneel Cabdi Xukun, ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyey qabashada gacan ku dhiigle Abshir Cabdulle, isaggoo xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeni doono Cadaaladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga doorashooyinka oo qabtay kulan looga hadlayay dardar galinta Diiwaangalinta 

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Dooraashooyinka Qaran iyo Soohdimaha Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Maalinta Shaqaalaha Adduunka...

Wasiirka Batroolka XFS oo ka qeybgalay Shirka Istanbul Natural Resources Summit

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo loogu soo dhoweeyay magaalada Algiers

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...