Tababar lagu baraneyey hanaanka sharci qorista iyo farsamooyin kale oo Muqdisho lagu soo gabogabeeyey (Sawirro).

Date:

Xiritaanka tababar socday 5 maalmmood oo lagu baranayay hanaanka sharci qorista iyo farsamooyin kale oo muhuiim ah, kuna saabsan arrimaha caadaladda, ayaa lagu qabtay Muqdisho, kaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyaddo loo qabanayay shaqaallaha Wasaaradda cadaaladda iyo kuwa Maamul goboleedyadda dalka.

Qaar ka mida xubnaha matalayay Maamul goboleeydda dalka, ayaa ugu horeyn ka hadalay waxyaabaha ay ka barteen tababrkaan, islamarkaana uga mahad celiyay Wasaaradda Cadaaladda oo u suura galisay in ay ka faa’iideystaan tababar noocaan oo kale ah.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan xuseen Xaaji, ayaa sheegay in wasaaradda qorshaheedu yahay tayeynta iyo sare u qaadista shaqaallaha Wasaarada iyo kuwa maamul goboleedyadda.

Dhowaan ayey aheyd markii Wasaaradda Cadaaladda ay heshiis la saxiixatay kuwa maamul goboleedyada, islamarkaan lagu hishiiyay siddii sare loogu qaadi lahaa tayada shaqaallaha Wasaaradaasi, kuwaas oo looga baahanyahay in si waanagsan uga shaqeyaan cadaalada dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Waddada Dimuquraaddiyadda. waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda...

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS,...