Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in dhowaan Baarlamaanka la horgeyn doono Guddiga madax banana ee la-dagaalanka musuqmaasuqa

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormoor shaqo oo uu ku tagey xafiiska Hanti-dhowrka guud ee qaranka ka sheegay in Xukuumaddu ay xooga saareyso la-dagaalanka musuq-maasuqa, maadaama barnaamijka dawladda ay ugu muhiimsan tahay isla-xisaabtanku.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay Hanti-dhowrka guud ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) iyo hawl-wadeenadiisa ayaa sheegay in dawladdu ay qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu la dagaalamayo masuqa, dhawaana baarlamaanka la horgeynayo guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa, loona baahan yahay in cid waliba ay arrintaa masuuliyad gaar ah iska saarto.

“Waxaa dawladdu ku talaabsatey horumar dhinacyada la-dagaalanka musuqmaasuqa ah. Si loo hiigsado horumar waa inaan meel cad iska taagnaa cid walba oo sameynaysa musuqa ama dhiiragelineysa. Dhawaan waxaa baarlamaanka horgeyn doonnaa Guddiga madaxa banaan ee la-dagaalanka musuqmaasuqa, horumarinta iyo tayeynta hey’adaha ka-hortagga musuqa waa naga go’an tahay.”Ayuu yiri R/Wasaaraha.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in tallaabooyin wax-ku-ool ah oo loo qaado dhinaca la dagaallanka musuqmaasuqa, laguna horumariyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka, ay taasi fure u noqoneyso horumar bulsho oo taabbagala.

–DHAMMAAD–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...