Dhallinyaradda Muqdisho ku Nool oo iskaa wax u qabso uga Qeyb galey ololaha Qurxi dalkaada

Date:

Ololahan qurxinta wadada isku xerta isgoyska xamar jajab iyo kan waabari ayaa waxaa sameynaya dhalinyarada degmada xamar jajab oo kaashanaya maamulka degmada waxaana uu socon doonaa mudo sedex maalin ah iyadoo ujeedadu tahay ka qeyb qaadashada qurxinta bilicda Caasimada Dalka ee Muqdisho.

Maxamed Aadan Rooble gudoomiye ku xigeenka dhalinayarada degmada xamar jajab iyo Cabdikafi Maxamuud Makaraan gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Banaadir oo ka mid ahaa dhalinyarada ka qeyb qaadaneysa qurxinta wadada ayaa waxa ay sheegeen in ay shaqadaan ka mid tahay waajibaadka dhalinyarada ka saaran dhismaha iyo qurxinta Dalkooda Hooyo.

Guudoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada degmada xamar jajajb Cali C/qaadir  Faarax oo hor kacayey dhalinyarada ayaa ku amaanay isku filnaashada ay muujinayaan dhalinayarada Soomaaliyeed iyagoo 75% ay yihiin dhalinayaro guud ahaan Dalka  maamulkuna uu si dhaw ula shqaqeyn doono.

Bilihi ugu dambeeyay ayaa waxaa soo kordhayay dhalinyaro iskaa wax u qabso ku qurxinayo laamiyada magalaada muqdisho kuwaas oo wax badan kusoo kordhin doono bilicda caasimada dalka ee muqdisho.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...