Deeq loogu Dabaal dagaayo Sannad Jirsiga Madaxweynaha Jamuuriyada Federalka soomaliya oo Maantey la gaarsiiyey Barakacyaal

Date:

xerooyinka barakayaasha ee ku yaaala deegenka garasbaaley ee gobolka banaadir oo ay ku jiraan dad kasoo barakacay  abaarta iyo colaada ka jirta meel ka mid gobolada dalka ayaa masuuliyin ay horkacayso  xilibaaan canab xasan cilme iyo dhalinyaro soomaaliyeed waxa ay deeq baco ah gaarsiiyeen dadka danta yarta ee ku jira kaamamka deegeenka garasbaaley waxaana looga gol lahaa dabaal degi munaasabada sanad guurada kowaad ee doorashada madaxweynaha jamuuriyada federalka soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi  Maxmed Farmaajo ayaa sheegay in xaflada laga dhigo ay ka waangsantahay in la caawiyo dadka danyarta ah.

dhinace kale waxaay deeq dawo iyo qalab sports ay gaarsiiyeen xarunta agoonta ciidanka booliska  oo ay jiraan carurta ay ka geeriyoodeen ciidanka booliska oo halkaasi lagu daryeelo.

Ugu horay C/fataax faysal Xuseen oo ku hadlayay magaca dhalinyarada ayaa sheegay in dowladnimada lagu gaari karo in gacmaha lays qabsado islamarkaan daruufo jirane si isku mid ah loga samatabaxo

Jeneral Cali xirsi Barre Cali Gaab oo ah hogaanka xarunta agoonta ciidanka booliska ayaa ka mahadceliyay booqasha iyo agabka lagu wareejiyay caruuurta agoonta taariiqda ay xusi doonto Taakuleynta Madaxweyne Farmaajo

Xilibaan Canab Xasan Celmi oo ka tirsan golaha shacab ee barlamanka soomaaliya oo horkacaysey dhalinyarada ayaa sheegtay in fikirka daryeelka dadka danyarta iyo xanaaneynta caruurta Agoonta ciidanka booliska uu leeyahay madaxweynha soomaaliya

Madaxweyne soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bedelay qaabka loogu dabaal degayo sanad guurada islamarkaan bedelka xafladaha qarashka badan ku baxeyso bedelkeeda la sameeyo in dadka danyarata ah la daryeelo waana malinta sedexaad ee deeqo la gaarsiiyo agoonta iyo Dadka danyarta ah ku nool magaalada muqdisho.

W/Q Abduqaadir Cali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...