Wakiilada QM ee Chine Rusia & Kuweit oo la kulmay Amb, Ahmed Isse Awad wasiirka Arrimaha dibadda ( Sawirro)

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb, Ahmed Isse Awad ayaa  magaalada New-yorka ee dalka Mareykanka kula  kulamay u qaabilsanayaasha QM wadamada Chine,  Russia & Kuweit  oo eey ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirada iskaashi  ee ka dhexeeya dalka Soomaaliyada iyo wadamadooda.

Kulamadan oo si gaar-gaar ah ula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Ahmed Isse Awad  wakiilada QM ujoogo New-yorka Sida  Chine H.E. Amb. MA Zhaoxu, Rusia H.E. Amb. Vasily Nebenzya iyo safiirka dowladda Kuweit H.E. Mansour Al-Otaibi ayaa waxa uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeyo Soomaaliya, kulamada wasiirka waxaa sidoo kale ku wehliya u qaabilsanah QM ee Soomaaliya Amb, Abukar Osman (Baale).

Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirto sidii loo soo celin lahaa xiriirkii kala dhexeeyay ka hor but-burkii dowladnimada, waxaana Madaxweyne Farmaajo wax-yaabaha uu ballan qaaday kamid ahaa in uu dhisi doono xiriir ku dhisan ixtiraam &  iskaashi.

Xukuumadda ra’isul wasaare Kheyre oo fulineysa ballan-qaadyadii Madaxweyne Farmaajo ayaa waddo dadaal xoogan oo ku aadan xiriirka eey Soomaaliya la yeelaneyso wadamada kale.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...