Madaxweyne Farmaajo oo u furay shirka golaha amniga Qaranka

Date:

Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Amniga Qaranka oo u dhexeeya madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, waxaana looga hadlayaa Xaaladda guud ee Amniga dalka, waxyaabaha ka qabsoomay shirarkii hore iyo wixii aan qabsoomin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ah shirka guddoomiyaha ayaa furay kulanka waxaana sidoo kale ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka, dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Amniga, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo hoggaanka kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Muddada uu socdo kulamada shirkan waxaa dib u eegid lagu sameeyaa xaaladda amniga dalka iyo Ciidanka Xoogga, iyadoona la gorfeynayo qorshaha sadexda bilood ee soo socota iyo arrimaha xoogga la saarayo.

Shirka Amniga Qaranka waa madasha kaliya ee haatan ay si joogta ah ugu kulmaan Madaxda Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, waxa uuna leeyahay guddiyo hoosaad iyo xeer anshax.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Muqtaar Rooboow Cali...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu...

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo lagu soo xiray muqdisho

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS,...