Agaasimaha HS&J Col.Kofi oo tababar u soo xiray madaxda waaxeedyada HS&J (sawirro).

Date:

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col.Mohamed Adam Kofi ayaa maanta soo xiray tababar labo maalin u socday madaxda waaxyaha Hay’adda oo lagu baranaayay habka Isku jaan goynta Maaliyada iyo baahiyaha Xafiisyada.

Col. Maxamed Aadam Kofi,Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa madaxda waaxyaha u sheegay in ay muhiim tahay in la isku dheelitiro howlaha xafiisyada ay qabtaan iyo qarashaadka ku baxaaya baahiya Xafiisyada.

Sidoo kale,Wuxuu Mr. Kofi tilmaamay in Agaasin kasta oo madax ka ah waaxyaha Hay’adda looga baahan yahay isku jaan goynta baahida xafiiskiisa iyo qarashka ku baxaya.

Ugu dambeyn Agaasimaha ayaa tababarka soo xiray, waxaana uu ku amray madaxda maanta tababarka loo soo xiray in ay gaarsiiyaan tababarka ay qateen  saraakiisha kale ee Hay’adda ka howlgasha. Sido kalena waxyabaha ay barteen laga dhaqan galiyo xafiisyada Hay’adda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...