Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo soo gabagabeeyay socdaal uu ku tegay Puntland- (sawirro).

Date:

Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo gabagabeeyay safar shaqo oo uu ku tegay magaalooyin ka tirsan Puntland.

Wasiirka, oo ay safarka ku wehliyeen Wasiiru-dawlaha, Mudane C/laahi Bile Nuur iyo hawl-wadeenno ka tirsan Wasaaradda, ayaa socdaalkiisa ka billaabay caasimadda Puntland ee Garoowe, waxayna ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta, loona soo kormeeri lahaa mashaariicda ay Wasaaraddu ku lug leedahay ee ka socda Puntland iyo xarigga internetka ee shirkadda Golis.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ugu horreyntii kulan kula yeeshay magaalada Garoowe Madaxweynaha Puntland, Dr. C/weli Maxamed Cali (Gaas), wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Puntland, Cabdi Xersi Cali (Qarjab), iyo mas’uuliyiin kale, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhexeysa wasaaradda heer federal iyo dawlad-goboleed, iyagoo isku afgartay dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen.

Wasiirku wuxuu sidoo kale booqday xarunta uu ka soo dago xarigga badda hoosteeda mara ee internetka (fiber optic cable) ee ay dhowaan magaalada Boosaaso ka hirgelisay shirkadda Golis. Wasiirka oo kulan gaar ah la yeeshay mas’uuliyiinta Golis ayaa uga mahad celiyay sida ay uga soo jawaabeen baaqii uu hore u jeediyay ee uu ku dhiirri-gelinayay shirkadaha inay dalka keenaan xargo kale.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa ka mahad celiyay soo-dhoweyntii loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa. “Waxaan uga mahad celinayaa madaxweynaha Puntland, wasiirka isgaarsiinta iyo ku-xigeennadiisa iyo madaxda Golis sida sharafta leh ee ay noo soo dhoweeyeen, waxaan rajeyneynaa inaan sii kordhin doonno wada-shaqeynteena,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...