Siihayaha Wasaaradda Awqaafta ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradaasi Dr. C/xakiim Ibraahim ayaa shalay kulan magaalada Jiddah kula qaatay Wasiirka Shaqada iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada ahan madaxa Hayโadda Guud ee Arrimaha Awqaafta Dalka Sacuudiga Dr. Cali Bin Naasir Algafis.
Labada Masโuul ayaa si weyn kaga wada hadlay Arrimo badan oo quseeya Labada dhinac iyo sidii loo xoojin lahaa Xiriirka ka dhaxeeya Labada Dowladood gaar ahaan Arrimaha Diinta & Awqaafta.
Wasiirka Shaqada iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada ahna siihayaha madaxa Hayโadda Guud ee Sacuudiga Dr. Cali Bin Nasir Algafis ayaa sheegay iney mar waliba garab taagan yihiin Soomaaliya,islamarkaana ka taageerayaan dhinacyada Horumarinta iyo Arrimaha Bulshada.
