Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxaayo Magaallada Adis-Ababa ee Dalka Ethiopia

Date:

Shir madaxeedka wadamada Midowga Afrika ayaa ka furmaya maalinta berrita ah magaalada Addis-Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya,kaasi oo ay ka qeybgalayaan hoggaamiyaasha Dowladaha Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalak Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya shirkaasi,iyadoo lafilayo in madaxweyne Farmaajo uu maanta u ambaxo Dalkaasi Itoobiya.

Shirka oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa looga arrin sanayaa xoojinta Nabadageliyada,ladagaalanka Musuqa iyo Arggagixisada ee Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay madasha shirkaasi waxaa la filayaa in uu kulamo la yeesho madaxda hoggaamiyaasha dalalka Afrika.

Shirkaasi ayaa lagu casuumay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuumaasin oo halkaasi ka jeedin doona khudbad la xiriirta arrimaha Falastiin,isagoo sidoo kale soo bandhigi doona aragtidiisa ku aadan go’aankii madaxweyne Trump ee Qudus.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...