Madaxweyne Farmaajo oo magacaabaya guddi ka shaqeeya dabagalka mashaariicdii uu dhagax dhigay

Date:

 

Muqdisho, 24 Jan, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhawaan uu magacaabayo guddi ka shaqeeya, dabagalka fulinta mashaariicda horumarineed ee uu ka dhagax dhigay deegaannadii uu socdaalka kusoo maray.

Madaxweynaha oo Saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey socdaalkii Nabadda iyo dib u heshiisiinta, isagoona sheegay in si dhow uu ula soconayo dhammeystirka fulinta mashaariicda uu dhagax dhigay.

“Maalmaha soo socda waxaan magacaabayaa guddi dabagal ku sameeya mashaariicdii aan soo ballan qaadey, si aan ula soconno dhaqan galkooda. Dowladda waxaa ka go’an in ay kaalinteeda ka qaadato.”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo qurbajoogta Soomaliyeed in ay kaalin ka qaataan dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada iyo qurba joogta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed iyo dib u dhiska dalkooda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ayaa uga mahadceliyey shacabka sida wadaniyadda leh ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna ku tilmaamay mid ka tarjumeysa biseylka iyo hanka ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed dowladnimada iyo wadajirka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug dadaalka ay ugu jiraan horumarinta, xasilinta, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada ku dhaqan deegannadaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaal qaatay muddo 17 maalmood ah waxa uu ku maray Gobollada Nugaal, Bari, Mudug iyo Galguuud, halkaas oo uu ugu kuur-galay baahiyaha nololeed ee dadka iyo arrimaha dib u heshiisiinta.

 

DHAMMAAD

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Diiwaan-hayeyaasha Midowga Afrika oo lagu soo xiray magaalada Malabo

Waxaa Magaalada Malabo ee Caasimadda dalka Equotorial Guinea ku...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay jiidaha dagaalka Shabeellaha Dhexe

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi...

Wasiirka Dekedaha XFS oo ka qeyb-galay Shirweynaha Isku xirka Caalamiga ah

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Magaalada Dhuusamareeb oo laga xusay Maalinta Xorriyadda Jabuuti ee 27-ka Juun

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin...