Maxaa laga Dhaxley Safarkii Socdaalka Nabad ee Madaxweyne Farmaajo

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaal qaatay muddo 17 maalmood ah waxa uu ku maray Gobollada Nugaal, Bari, Mudug iyo Galguuud oo kamid ah Goboladda ugu ballaaran ee Soomaaliya, halkaas oo uu ugu kuur-galay baahiyaha nololeed ee dadka iyo arrimaha dib u heshiisiinta, waana socdaalkii ugu horreeyey ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku maro Gobolada dalka tan iyo markii uu xilka madaxweynimo uu qabtey.

waxaan qoraalkaan ku soo Goobeynaa wixii laga dhaxlay Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu ku maray Deegaanadaasi.

Xoojinta Dowladdnimada: Madaxweyne Farmaajo ayaa qaar ka mid ah deegaanadii uu tagay lagu ku soo dhoweeyey qaarkood ay ilmeeyeen markii Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay arkeen, iyaggoo sheegay in waligood aysan arkin dowlad Soomaaliyeed oo guryahooda kusoo booqaneysa, waxay wax ka badashay Aragtida Beesha Caalamka ee ku aadan in Ammaanka Soomaaliya aan la isku haleyn karin, taasi oo noqotay inay san waxba ka jirin.

Nabadeyn iyo Dib u heshiisiinta: Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxay Nabadeyn iyo Heshiis ay kala dhex dhigeen deegaano dhowr ah oo ay kamid tahay Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasi oo Maleeshiyaad kala taageersan Puntland iyo Galmudug dhowr jeer ay ku dirireen Waxaana Go.aan lagu gaarey in aysan dib u diririn dadka wada daga deegaanadaasi.

Qancinta Beelaha wada dago Galmudug: Safarka Madaxweynaha JFS uu ku maray qeybo kamid Deeganada Galmudug ayuu ku guuleystay ka miro dhalinta heshiiskii ay wada gaareen Mamulka Galmudug iyo ahlu-suna kuwaa oo mudo isku qilaafsanaayo hanaanka maamulka Gobollada dhexe.

Madaxweynaha ayaa labadaasi Maamul u suurta galiyey in ay si siman u wada qeybsadaan hanaanka dowladnimo,madaxweynaha ayaana ku dhawaaqey in Dhusamareeb ay tahey Magaalo Madaxda Dowlad Gobolledka Galmudug,Halka Magallada Cadaado ay noqotey Xarunta Barnamaanka galmudug halkaasine lagu xaliyey tabashooyinkii ay qabeen dadka wadadaga deeganadaa.

Mashaariicda Hormarineed: Boosaaso Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa xarigga ka jaray dhismaha xafiisyada Shirkadda isgaarsiinta ee Golis.

Gaalkacayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhagax dhigay, Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed iyo xabsiga dhexe ee Galmudug oo laga hirgelinayey Gaalkacayo.

Dhusamareeb: Madaxweyne farmaajo ayaa magaallada dhuusa mareeb ka hirgaliyey mashaariic isku jira kaabayaasha dhaqallaha,xabsiga magaalada dhusamareeb,Xarunta Agoomaha iyo dayactirka laamiyada isku xira degmooyinka gobollada dhexe.

Guriceel Madaxweynaha ayaa u balanqaadey in shacabka guriceel ku nool ay heli doonaan mashaariic ay ka mid tahay kor u qaadista xirfadaha shaqo iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.

Caabudwaaq Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galey furitaanka laanta Jaamacadda Ummadda ee magaalada Caabudwaaq waxa uuna  ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug in ay ka wada shaqeeyaan xoojinta midnimada iyo Nabadda waxaana uu madaxweynaha dhagax dhigey Garoonka iyo xabsiga caabudwaaq.

Hobyo Madaxweynaha Jamuuriyada federaalka soomaliya ayaa Dhagax dhigey dekada hobyo oo laf dhabar hormarka Ganacsiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dib ugu soo laabtey Caasimada Dalka ee Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan uu magacaabayo guddi ka shaqeeya dabagalka fulinta mashaariicda horumarineed ee uu ka dhagax dhigay deegaannadii uu socdaalka kusoo maray
Madaxweynaha oo Saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey socdaalkii Nabadda iyo dib u heshiisiinta isagoona sheegay in si dhow uu ula soconayo dhammeystirka fulinta mashaariicda uu dhagax dhigay.

 

W/Q Hamdi Abdilaahi Hussein

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...