Munaasabad lagu xusayay Sanad Guurada 3-aad ee maamulka K/Galbeed oo lagu qabtay Baydhabo

Date:

Munaasabad loogu dabaal dagayo 3-sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska dawlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dawlad Goboleedkaasi.

Munaasabadaas ayaa waxaa ka qayb galay madaxwaynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan, Madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya iyo qaybaha bulshada.

Waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka koofur galbeed mudada 3-da sano ah ee maamulku shaqaynayay, kuwaas oo ay ka mid yihiin talaabooyinka loo qaaday dhinaca maamul wanaagga ilaa la gaarsiiyo in degmooyinka qaar gole deegaan loo sameeyey iyo dhismaha xarumaha dawlad goboleedka.

Shariif Xasan Sh Aaden madaxwaynaha dawlad goboleedka koofur Galbeed oo munaasabaddas ka hadlay ayaa sheegay in maamulku qaadayo talaabioiyin lagu hormarinayo adegyada bulshada iyo amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...