Wasiir Yuusuf Garaad”Waxaa na casuumay Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka

Date:

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku faah faahiyaya Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya,shir ka dhacay Dalka Mareykanka kaasi oo u dhexeeya madaxda Africa iyo Mareykanka.

Maanta waxaan Soomaaliya ku metelay shir ka dhacay Washington oo magaciisu yahay Shirka heer Wasiir ee Ganacsiga, Ammaanka iyo Dowlad Wanaagga.

Waxaa looga hadlay ganacsiga dalalka Afrika dhexdooda ah iyo kan ay la leeyihiin ama ay la lahaan karaan Mareykanka.  Waxaa laga hadlay caqabadaha hor taagan horumarka ganacsiga siiba xudduudaha qafilan, musuqmaasuqa iyo tayada wax soo saarka warshadaha qaarkood oo heer tartan geli karta aan taagneyn.

Waxaa la eegayay kororka tirsada dadka qaaradda iyo horumarka uu dhaqaaluhu sameyn karo 2020, 2050 iyo weliba ka sii dib.

Waxaa laga hadlay la dagaallanka argagixisada.

Waxaa kale oo la soo qaaday sida ay dhallinyaradu uga qeyb qaadan karaan siyaasadda iyo howlaha kale ee dalkooda ka socda.

Arrintaas marka aan ka hadlay, tusaaleyaasha aan soo qaatay waxaa ka mid ahaa sida ay dhallinyarada Soomaaliyeed isu abaabushay iyo kaalinta ay ka qaateen gurmadkii billowday 14-kii Oktoobar.

Marka aan soo qaaday gurmadkaas, waxaan u mahadceliyay dhammaan dalalkii noo soo gurmaday oo ay ugu dambeysay Rwanda.

Ujeeddada shirka waxaa lagu soo koobi karaa in la horumariyo Ganacsiga iyo maalgashiga, la dhiirri geliyo Dowlad wanaagga lagana hortago argaggixsada.

Waxaa ka qeyb galay soddomeeyo Wasiir Arrimo Dibadeed oo Afrikaan ah, waxaana na casuumay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson oo isaguna goob joog ahaa.

Shirku wuxuu ka dhacay xafiiska Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka oo degmada Warshiikh ka bilaabay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Taliyaha Ciidanka dhulka Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Nigeria

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye...

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka...